Xoghayaha Guud ee xisbiga talada wadanka haya ee UDA, Cleophas Malala ayaa digniin adag u diray xildhibaano, wakiillada deegaannada hoose iyo wasiirro uu ku eedeyay in ay ku howlan yihiin siyaasad aan wanaagsanayn oo kala qaybsanaan u horseedi karta xisbiga.
Malala ayaa sheegay in siyaasiyiintan aynan qadarin hoggaanka xisbiga.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in xildhibaanadda deegaanka Githunguri , Gathoni Wa Muchomba, xildhibaanka deegaanka Kapseret Oscar Sudi, iyo barasaabka ismaamulka Nyeri Mutahi Kahiga laga doonayo in ay ka fiirsadaan hadallo ay dhawaan jeediyeen haddii kale laga qaadi doono tallaabo dhanka habdhaqanka ah.
Sidoo kale waxaa uu u digay wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Moses Kuria iyo dhigiisa gaadiidka Kipchumba Murkomen oo uu sheegay in ay siyaasad ku howlan yihiin.
Waxaa uu wasiirradan u sheegay in ay xoogga saaraan u adeegidda dadweynaha haddii kalena ay is casilaan.
Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Kapseret ,Oscar Sudi ayaa dhankiisa gaashaanka u daruuray digniinta xoghayaha guud ee UDA wuxuuna ku tilmaamay mid aan saameyn lahayn.
Cleophas Malala ayaa carrabka ku adkeeyay in marnaba siyaasi ka tirsan xisbiga UDA aan laga oggolaan doonin inuu xushmad darro u muujiyo madaxweynaha dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua .
Sidoo kale waxaa uu ka digay in xilli hore lagu mashquulo siyaasadda hoggaamineed ee mustaqbalka.