10,000 oo geedo ah oo lagu beeray aagga Mt. Elgon

0
116

Wasiirka wasaaradda cayaaraha , arrimaha dhallinyarada iyo farshaxanka ee dalka Ababu Namwamba ayaa hoggaamiyay munaasabad lagu abuurayay ilaa 10,000 oo geedo ah taasi oo ka dhacday keynta Banandega ee magaalada Cheptais oo ku taalla aagga Mt. Elgon ee ismaamulka Bungoma.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda dalka kula tacaalaysa saameynta isbeddelka cimillada ee uu qorshuhu yahay in sanadka 2032-da lagu beero 15 bilyan oo geedo ah.
Wasaaradda cayaaraha ayaa sidoo kale olole dhir beerid ah ka wada deegaanka Kasarani iyo ismaamulka Kilifi.
Waxaa uu xusay in ka wasaarad ahaan ay si buuxda u taageerayaan qorshaha dowladda ee geedaha lagu beeraya.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in ilaa iyo hadda ay ka qayb qaateen in la abuuray 3.8 milyan oo geedo ah iyadoo ay qorsheynayaan in dhammaadka xilli roobaadka ay tiradan gaarsiiyaan ilaa 7 milyan.