Shirkadda bixisa adeegga korontada ee dalka ee Kenya Power ayaa macaamiisheeda ku wargelisay inuu hakad ku imaan doona nidaamka dhibcaha korontada lagu iibsado ee Token-ka.
Nidaamkan ayaa shaqeyn doonin muddo 24 saacadood ah, oo laga billaabo 10-ka habeenimo ee 2-da bisha Lixaad ee sanadkan.
Bayaanka Kenya Power waxaa ku cad, in nidaamka lagu iibsada dhibcaha korontada dayactir lagu sameynayo muddadaasi.
Macaamiisha ayaa awoodi doonin muddadaasi inay dhibcaha korontada ka iibsadaan xarumaha KPLC, adeegyada M-PESA iyo Airtel Money.
Shirkadda korontada dalka ee KPLC ayaa ku boorrisay macaamiisha inay keydsadaan dhibco badan, si aysan cilladaasi u saameyn.
Home Wararka Kenya Shirkadda Kenya Power oo sheegtay in nidaamka lagu iibsada dhibcaha korontada uu...