Martha Karua oo dowladda ugu baaqday inay caddeyso sharcinimda noocyada qaadka

0
357

Madaxa xisbiga NARC Kenya kana mid ah hoggaamiyaasha sare ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja Martha Karua ayaa dowladda dhexe ugu baaqday inay caddeyso sharcinimada beerashada iyo iibiinta qaadka Miirooga iyo nooca loo yaqaano Mogokaa
Karua ayaa xustay in wasaaradda beeraha ay tahay inay mamnuucdo haddii ay sharci darro tahay ka ganacsiga balwaddan.
Qoraal ay soo dhigtay barteeda X ayay ku sheegtay in marka la eego xeerarka dalagga ee la soo saaray sanadkii 2021-kii uu aqoonsanaya in labada nooc ee qaadka ay sharci yihiin.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo barasaabyada ismaamullada Mombasa iyo Kilifi ay dowlad deegaanadooda ka mamnuuceen in la soo geliyo, lagu dhex iibiyo ama lagu dhex isticmaalo nooca qaadka ee Mogokaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here