4O qof oo lagu dilay Koonfurta Qaza ee Rafah

0
387

Ciidamada militeriga Israa’iil ayaa duqeeyay xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla magaalada Koonfurta Qaza ee Rafah.
Waxay halkaasi ku dileen ilaa 40 qof Falastiiniyiin ah oo u badan haween iyo carruur, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Wafa.
Goobta uu militeriga Israa’iil duqeeyay ayaa lagu tilmaamay inay ahayd aag nabdoon.
Dhanka kale, milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay dib u eegis ku sameynayaan weerarrada cirka ah ay halkaasi ka gaysteen.
Waxaa ay intaasi ku dartay in weerarkaasi ay la beegsatay xarun ay ku sugnaayeen ururka Xamaas ayna ku dileen laba sarkaal oo ka tirsan kooxdaasi.
Hasa ahaate, waxay xustay in ay ka war hayaan wararka sheegaya in dad rayid ah ay waxyeello soo gaartay.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore waxaa duqeymaha ay Israa’iil weli ka wado Qaza lagu dilay ugu yaraan 35,984 halka la dhaawacay 80,643 kale.