Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa maanta shaacisay in ay siidaysay 112 qof oo maxaabiis ah oo ay horay gacanta uga dhigeen dowladda Yemen.
Madaxa Xuutiyiinta ee arrimaha maxaabiista Cabdulqaadir Al-Murtada ayaa arrinkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Sanca.
Waxaa uu xusay in la fuliyay amarkii hoggaamiyaha kooxdan ,Cabdul Malik Al-Houthi, ee ahaa in la xoreeyo maxaabiista ciidamada dowladda Yemen ee la qabtay ee xanuunsan , naafada ah, la dhaawacay ama waayeellada ah.
Wuxuu dowladda Yemen ugu baaqay in ay qaaddo tallaabo tani la mid ah isagoo intaasi ku daray in ay horay u siidaayeen 920 oo maxaabiis ah.
Waxaa arrinkan soo dhaweeyay guddiga caalamiga ee Hay’adda Laanqayrta Cas ee ICRC.