Madaxweynaha dalka oo ammaanay kenyaanka

0
232

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in kenyaanka ay yihiin dad wax bartay, xirfado leh sidoo kalena ku wanaagsan dhanka ganacsiga.
Waxaa uu Kenya ku tilmaamay waddan istaraatiiji ah oo loogu soo hirto dhanka maalgashiga marka la eego bariga Afrika, Geeska Afrika iyo si guud qaaradda.
Arrintan ayuu hoggaamiyaha dalka ka sheegay madal ay isugu yimaadeen maalgashatada shirkadaha ku yaalla magaalada Atlanta ee Maraykanka oo uu safar shaqo ku joogo.
Ruto ayaa xusay in Kenya ay leedahay dhallinyaro soo dhaweynta ku fiican sidoo kalena la dhiirrigeliyay.
Waxaa uu xusay in maalgashiyada laga faa’iidaysan karo ay ka mid yihiin gaadiidka , isgaarsiinta iyo tamarta.
Madaxweynaha ayaa sheegay in boqolkiiba 93 ee kaydka qaran ee tamarta dalka uu ku saleysan yahay tamarta la cusbooneysiin karo.