Hay’adaha dambi baarista dalka ayaa wado baaritaano ku aaddan lacag dhan 750 milyan oo shilin oo la sheegay in ay faalis tahay taasoo dhawaan la helay.
Galinkii dambe ee Talaadada ayay ahayd markii gacanta lagu dhigay labo eedeysanayaal oo Kenyaan ah oo lacagtan siday.
Ciidamada ammaanka ayaa arrinkan ku guulaystay ka dib howlgal ay ka sameyeen xaafadda Kilimani ee magaalada Nairobi.
Eedeysanayaasha ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay Samuel Maina iyo Boniface Mungai.