Waxaa gudashada waajibaadka loo igmaday billaabay guddi loo soo magacaabay inuu shaqaalaysiiyo saraakiil buuxinaya afar jago oo ka bannaan guddiga doorashooyinka ee IEBC.
Guddigan oo shalay la dhaariyay ayaa waxaa guddoomiye u ah Elizabeth Muli halka James Awori James uu yahay ku xigeenkeeda.
Ka dib markii la dhaariyay ayay xubnaha guddigan sheegeen in ay qaabili doonaan cid kasta oo daneynaysa xilalka bannanaaday sanadkii 2018-kii.
Waxaa xilligaas is casilay afar ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC.
Codsiyada shaqo ayaa la qaban doonaa muddo 14 cisho ah laga billaabo marka jagooyinkan si rasmi ah loo xayaysiiyo.