Golaha shacabka Soomaaliya oo beeniyay inuu jiro qorsho xilka looga qaadayo Rw Rooble

0
577

Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaliya ee uu muddo xileedkood dhammaaday ayaa beeniyay wararka baraha bulshada la isla dhex marayay ee ah in uu jiro qorshe Xilka looga qaaday Ra’iisul wasaare xukuumadda xilgaarsiinta Maxamad Xuseen Rooble.
“Waxaa Shacabka Soomaliyeed la Wadaagaya in ay been abuur tahay wararka Lagu Daabacay baraha bulshada oo ah In maalinta Sabtida XilKa Qaadis Lagu Sameynayo Ra’isal wasaaraha XFS”.
“Waxan Umadda Soomaliyeed uga digayna in ay Ka fogaadan Wararkaas Been abuurka ah,” ayaa lagu yiri qoral la soo dhigay barta Facebook ee Golaha Shacabka Soomaaliuya.
“U Jeedada Kulanka wuxuu yahay In Maalin Sabtiga, 1 May, uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu hor imaan doono Mudanayaasha Golaha Shacabka’,’ waxaa sidaas sheegay Cabdikarim xaaji Buux oo ah Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS.