Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in la fashiliyay gaari walxaha qarxa ay ka soo buuxiyeen Al-Shabaab,oo ay doonayeen inay gudaha u geliyaan xarunta taliska Guud ee ciidanka Asluubta ee KM7.
Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaliyeed Gashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Khalaf, oo la hadlay Warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira wixii faahfaahin oo dheeraad ahna ay gadaal ka soo sheegayaan.
Wararka ayaa intaas ku Daraya in Dad shacab u badan oo marayay goobta uu ka dhacay qaraxa ay waxyeelo ka soo gaartay.
Gaariga waxyaabaha qarxa siday ayaa la sheegay in lagu dhuftay Albaabka Hore ee Xarunta Asluubta kaasoo la doonayay in Xarunta Gudaha loo galiyo.