Dowladda oo shaacisay in Jimcada ay tahay maalin fasax ah

0
476

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in maalinka Jimcada ee 10-ka bishan May ay noqon doonto maalin fasax qaran ah.
Afhayeenka dowladda dhexe , Issac Mwaura ayaa qoraal ku sheegay in maalinkaasi loogu talagalay in la abuuro geedo iyadoo dhanka kale la xusuusanaya kenyaankii ku nafwaayay roobabka culus iyo daadadka ka dhashay.
Mwaura ayaa laga soo xigtay in wasiiradda wasaaradda arrimaha deegaanka , isbeddelka cimillada iyo kaymaha ee dalka Soipan Tuya ay qaban doonto shir jaraaid oo ay arrinkan ku faahfaahinaysa sidoo kalena wargeyska rasmiga ee dowladda lagu soo daabici doono.