In ka badan 3 milyan oo qof oo ka qaxay Myanmar

0
220

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan 3 milyan oo ruux ay ka qaxeen guriyahooda ku yaalla dalka Myanmar.
Tani ayaa waxaa sababay colaadda halkaasi ka taagan.
Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa laga soo xigtay in tirada barakacayaasha ay boqolkiiba 50 korortay 6-dii bilood ee ugu dambeeyay.
Qiyaastii kala bar dadka barakacay waxay ka soo jeedaan gobollada Waqooyiga Galbeed ee Myanmar ee Chin, Magway iyo Sagaing.
In ka badan 900,000 ayaa ka qaxay dhanka Koonfurta Bari ee wadankaasi.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo uu sii xoogeysanaya dagaalka u dhexeya ciidamada militariga ee dalka Myanmar iyo kooxaha hubeysan ee isku dayaya in ay hoggaanka ka wareejiyaan taliyaasha militari ee qaab afgembi ah ku qabsaday bishii Labaad ee sanadkii 2021.