Shirkadda maareysa adeegyada biyaha iyo bullaacadaha ee magaalada Garissa ee GAWASCO ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in laga soo billaabo abaare 6-dii maqribnimo ee shalay uu hakad ku yimid bixinta adeeggan.
Waxay tani u aaneysay saameyn ka dhalatay daadadka oo soo gaartay qaar ka mid ah ceelasheeda biyaha sida kuwa Iftin, AFTC, Ziwani iyo ADC.
Shirkadda oo ka qoomameysay saameynta cilladdan ayaa dadweynaha ku boorrisay in ay biyaha si tartiib ah u isticmaalaan oo ayna dulqaad muujiyaan.