Guddoomiyaha ismaamulka Busia Dr. Paul Otuoma ayaa dowladda dhexe ugu baaqay in ay ku dhawaaqdo in saameynta ka dhalatay daadadka ay tahay musiibo qaran.
Waxaa uu tilmaamay in tani ay xoojin doonto gurmadka maxalliga iyo dibadda ee looga falcelinaya daadadka.
Barasaabka ayaa xusay in fatahaadaha ku dhuftay deegaan baarlamaneedka Budalangi ee Busia iyo qaybaha kale ee wadanka aynan ahayn kuwo iska caadi ah oo la dhayalsan karo.
Sidoo kale waxaa uu ku taliyay in biyo xireenno waawayn laga sameeyo dhanka sare ee galbeedka wadanka si loo yareeyo fatahaadda .
Arrintan ayuu ka sheegay munaasabad dowladda hoose ee ismaamulka Busia iyo hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka carruurta ee UNICEF oo is –kaashanaya ay cuntooyin iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga ah ugu qaybinayeen in ka badan 7,000 oo ah qoysas ay daadadku ku saameeyeen deegaannada hoose ee Rugunga iyo Bunyala South ee deegaan baarlamaneedka Budalangi.
Wangui Karanja oo ka tirsan hay’adda UNICEF ayaa dhankeeda bogaadisay dadaallada uu wado barasaabka Busia waxayna sheegtay in ay kala shaqeynayaan daryeelka carruurta iyo si guud qoysaska ay dhibaatooyinka ka soo gaareen daadadka.