Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa dowladda dhexe ugu baaqay in daadadka wadanka ka jiro ay u aqoonsato musiibo qaran.
Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka iyo dhigiisa DAP-K, Eugene Wamalwa ayaa sheegay in hadii lagu dhawaaqo musiibo qaran in sare loo qaadi karo howlaha falcelinta sidoo kalena la helaya garabka beesha caalamka.
Xilli ay ku sugnaayeen ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ayay siyaasiyiintan dhanka kale difaaceen Raila Odinga oo cambaareyn kala kulmay qaar ka mid ah siyaasiyiinta isbeheysiga Kenya Kwanza ka dib markii uu dowladdu ku dhaliilay guriyo laga burburiyay qoysas degganaa meelaha u dhow webiyada oo horay loo digay.