Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ka digay in kala qeybsanaanta siyaasadeed, militari iyo midda qowmiyadeed ee ka jirta Suudaanta Koonfureed ee sii xoogeysanayso ay sababi karta colaad u dhaxeeysa dhinacyada iska soo hor jeeda oo xabad joojin kala saxiixday sannadkii hore.
Waxaa la sheegay in dalkaasi uu dagaal ka dhici karo iyada oo dadka ay wajahayaan ‘’xaalado la mid ah macluul. ”
Khubaradan ayaa ku sheegay warbixin ka kooban 81 bog in gaabaadka dib u habeynta ee dowladda Madaxweyne Salva Kiir iyo in ka badan sanad oo ay jiraan khilaafaadka siyaasadeed iyo ismaandhaafka ay caqabad ku noqdeen geeddisocodka nabadeed.
Waxay tani adkeysay dhaqan gelinta xabad joojinta bishii Febraayo 2020 iyo heshiiskii nabadeed ee 2018 -kii.
Colaadaha ka jira dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 400,000 oo qof halka malaayiin kale ay ku barakaceen.