DHAGEYSO:Wasiirka amniga gudha ee XFS oo sheegay in magaalada Muqdisho ay ku soo kordheen dad dhaqan mooryaaneed leh

0
435

Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS, Xasan Xundubeey Jimcaale, oo goor dhoweyd warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xalay ilaa maanta magaalada Muqdisho ay ku soo kordheen dad dhaqan mooryaaneed leh oo guryaha jabsanaya dadkana dilaaya.

Wasiirka ayaa sidoo ka digay suurtagalnimada ah inay xaaladdan ay ka faa’iidaysan karaan ururda argagixisada ayna gabaad u noqon karaan dad aysan iga maamulin.

Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay ciidanka ay hayso masuuliyaddeeda ku filan tahay inay magaalada gacanta ku qabato balse ay diidantahay in bulshada dhexdeeda lagu dagaalamao