Golaha wasiirrada ee Israa’iil oo u codeeyay qaraar ka dhan ah Aljazeera

0
233

Golaha wasiirrada ee xukuumadda Ra’ iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa codeyn ay sameeyeen ka dib isku waafaqay in warbaahinta caalamiga ee Aljazeera aynan ka sii shaqeyn gudaha Israa’iil.
Hasa ahaate ma cadda xilliga uu go’aankan dhaqan galaya.
Waxaa arrinkan lagu shaaciyay bayaan ka soo baxay Israa’iil.
Codeynta golaha wasiirrada ee maanta ayaa timid ka dib markii baarlamaanka Israa’iil uu ansixiyay xeer oggolaanaya in si ku meel gaar ah loo xiro warbaahinta shisheeye ee loo arko kuwo khatar ku ah amniga inta uu socdo duullaanka militariga ee ka dhanka ah ururka Xamaas ee dalka Falastiin.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here