DHAGEYSO:Dibadbaxyo ka dhacay waddada u dhexeysa Kapsabet-Shamakhokho

0
220

Shacabka ayaa sameeyay bannaan bax ay ku xireen waddada u dhexeysa deegaannada Kapsabet iyo Shamakhokho oo ka kala tirsan ismaamullada Nandi iyo Vihiga.
Dadweynaha ayaa cabasho ka muujinay in ay dhibaatooyin kala kulmaan isticmaalka waddadaasi oo aynan tayadeedu wanaagsanayn.
Waxay sheegeen in kastoo xilliyada ololaha doorashooyinka ballan qaad loo sameeyo haddana in aan loo oofin ballamada.

Ciidamada booliiska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryay dibadbaxayaasha ka dib markii ay ilaa 5 saacadood saameyn ku timid isku socodka gaadiidka waddadaasi adeegsada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here