Ismaamullada dalka oo dalbanaya in miisaaniyadda loo kordhiyo

0
326

Hoggaamiyaasha ismaamullada dalka ayaa doonaya in dowladda dhexe ay kordhiso miisaaniyadda dhaqaale ee ay siiso.
Guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada wadanka ee CoG ahna hoggaamiyaha Kirinyaga Anne Waiguru ayaa sheegtay in ay weli ku adkeysanayaan in sanad maaliyadeedka xiga loo qoondeeyo 450 bilyan oo shilin.
Waxay hoosta ka xarriiqday in haddii aan sidan la sameyn in ismaamullada ay wajihi karaan culeysyo dhaqaale.
Arrintan ayay u bandhigtay guddiga arrimaha maaliyadda ee aqalka sare ee dalka.
Waiguru ayaa ku celcelisay in dowlad deegaannada uu qarashaad badan uga baxo howlaha mushaaraadka maadaama shaqaalaha laga jaraya canshuurta guriyeynta.
Waxay sheegtay in caymiska cusub ee caafimaadka bulshada ee SHIF uu ismaamullada uga bixi doono qarash dhan 3 bilyan oo shilin.
Sidoo kale barasaabyada ayaa soo jeediyay in meesha laga saaro guddiga waddooyinka dalka iyo maamulka qaabilsan dhisidda wadddooyinka degmooyinka.
Waxay ku talinayaan in dowlad deegaannada si toos ah loogu wareejiyo dhaqaalaha sanduuqa dayactirka waddooyinka.
Anne Waiguru ayaa guddiga maaliyadda senate-ka ee uu guddoomiyo senatarka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba u sheegtay in la saadaalinaya in canshuurta guriyeynta ee laga jaraya shaqaalaha ay qarashaadka mushaaraadka ku kordhin doonto 4 bilyan oo shilin .
Waxay carrabka ku adkeysay in haddii aan codsigooda la tixgelin in ay caqabad kala kulmi karaan bixinta deymaha ay qandaraasleyda ku leeyihiin ismaamullada.
Guddoomiyaha golaha CoG ayaa su’aal gelisay sababta miisaaniyadda dhaqaale ee dalka ay badankeedu weli gacanta ugu hayso dowladda dhexe iyadoo ay jiraan shaqooyin la daadajiyay.
Waxay sheegtay in aynan sabab la’aan lacago dheeraad ah u dalbanayn balse ay doonayaan in ay ku maareeyaan waxyaabo aasaasi ah.
Guddoomiyaha guddiga arrimaha maaliyadda ee aqalka sare Senatar Cali Ibraahim Roba ayaa dhankiisa sheegay in aynan damaanad qaadi karin in ismaamullada ay helayaan 450-ka bilyan ee ay dalbanayaan balse in ay ku dadaali doonaan sidii loogu kordhin lahaa miisaaniyadda sanadlaha ah.
In kastoo horay hindise sharciyeedka qaybsashada dakhliga uu soo jeediyay in ismaamullada la siiyo 391 bilyan oo shilin haddana waxay ka cabanayaan in miisaaniyadaasi aynan ku filnayn maareynta howlahooda.
Bishii 12-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii guddiga qoondeynta dakhliga ee (CRA) uu soo jeediyay in miisaaniyad sanadkeedka 2024/2025-ka ismaamullada la siiyo 398 bilyan oo shilin balse wasaaradda qaran ee maaliyadda ayaa qiimaha ku jaangoysay 391 bilyan oo shilin iyadoo cuskanaysa in meesha laga saaro waxyaabaha aan muhiimadda wayn lahayn ee la qarash geliyo.
Hasa ahaate ismaamullada ayaa ku doodaya in qiimahan uunan xita gaarsiisnayn qoondada ah boqolkiiba 15 ee ay dowladda dhexe siiso .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here