In ka badan 27,000 qof oo sanadkan ku barakacay Colombia

0
492

Guddiga xuquuqul aadanaha ee dalka Colombia ayaa sheegay in rabshado sanadkan ka dhacay wadankaas ay hooy la’aan ku noqdeen ugu yaraan 27,000 qof.
Waxaa uu guddigu intaa ku daray in dadkan loo hanjabay sidoo kalena lagu qasbay in ay ku biiraan kooxo hubeysan oo iska soo horjeeda.
Bishii labaad ee sanadkan ayay ahayd markii qaramada midoobay ay sheegtay in Colombia ay saameeyeen isku dhacyo u muuqdo kuwo muddo sii jiraya.
Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqul insaanka ayaa sheegay in uu diiwaangeliyay sare u kac la xiriira kiisaska dilalka iyo ku xadgudubka xuquuqul aadanaha.