DHAGEYSO:Rw Rooble oo ku baaqay shir degdeg ah si xal loogu helo xasaradaha ka taagan Muqdisho

0
329

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble oo kulan la qaatay ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa ka dalbay inay kala shaqeeyaan amaanka caasimadda iyo dadaallada ay dowladdu ku doonayso inay ku xaliso xaaladda Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu ku baaqay shir degdeg ah si xal loogu helo xasaradaha ka taagan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda ah dalka Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale shacabka ugu baaqay dulqaad,degganaan iyo inay qayb ka noqdaan dajinta xaaladaha hadda taagan