Baarlamaanka oo yeelanaya kal-fadhi ku saabsan BBI

0
395

Golaha qaran ee xeer dejinta iyo aqalka sare ayaa la filayaa in maalmaha Arbacada iyo Khamiista ee toddobaadkan ay yeeshaan kal-fadhiyo ku saabsan qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Tani ayaa timid ka dib markii shalay guddoomiyaasha labadan aqal loo gudbiyay warbixin uu soo saaray guddiga isku-dhafka ah ee arrimaha sharciga iyo cadaaladda.
Siyaasiyiinta ayaa fursad u heli doono in ay ka doodaan soo jeedinnada ku qoran dokumeentiga BBI ee laga ansaxiyay in badan oo ka mid ah golayaasha ismaamullada dalka.
Hasa ahaate waxaa uu weli muran ka taagan yahay qaabka si siman loogu qaybsan doono 70 deegaan baarlamaneed oo dheeraad ah kuwaasoo qorshaha sharci beddelka uu soo jeediyay in la soo dhiso.