Racfaan ka dhan ah amarka maxkamadda sare ee ku saabsan shaacinta madaxa cusub ee cadaaladda dalka oo la dhageysan doono Isniinta

0
516

Racfaanka uu gudbiyay guddiga adeegga cadaaladda ee dalka ee JSC ee ku saabsan in laga hor istaagay in uu shaaciyo magaca cidda loo soo xusho xilka madaxa waaxda garsoorka ee dalka ayaa la dhageysan doona maalinka Isniinta ee 26-ka bishaan.
Tani ayaa imaaneysa ka dib markii maxkamadda racfaanka ay caddeysay in arrintan ay tahay mid deg deg ah.
Waxaa ay amartay in ku simaha madaxa maxkamadda racfaanka uu soo magacaabo saddex garsoorayaal oo dacwaddan dhageysto.
Guddiga adeegga garsoorka ee JSC ayaa gudbisay ogeysiis rafcaan oo ay ku muujineyso sida aysan ugu qanacsaneyn amarrada ay soo saartay maxkamadda sare, iyadoo ka hor istaageysa inay sii wadato doodaheeda si loo ogaado cidda noqon doonta madaxa cadaaladda ee dalka.
Maxkamadda sare ayaa dhawaan soo saartay amar si ku meel gaar ah looga hor istaagayo in guddiga JSC uu shaaciyo magaca cidda loo soo xusho xilka madaxa waaxda garsoorka ee dalka inta laga dhageysanayo codsiyada ay soo gudbiyeen afar codsade.
Maxkamadda ayaa arrinkan ka hadashay ka dib dacwad ay afar qof soo gudbiyeen oo looga soo horjeeday geeddisocodka turxaan bixinta.
Dacwadda afarta qof ay soo gudbiyeen ayaa ku saleysan in xubnaha JSC aynan shakhsiyaadka la turxaan bixinaya ka dalban in ay shaaciyaan qiimaha hantidooda.