Isbitaallada qaar ee dalka India oo oksijinka ka dhammaaday

0
603

Waxaa lagu soo warramaya in isbitaallo ku yaala waqooyiga iyo galbeedka dalka India oo ay ka mid tahay magaalo madaxda waddankaasi ee New Delhi uu gabaabsi yahay qalabka neef caawiyaha ee oksijiinka halka xarumaha qaar uu ka dhammaaday.
Waxaa sidoo kale yaraaday sarriraha lagu seexiyo bukaannada cudurkan uu soo ritay.
India oo ah dalka labaad ee caalamka ee laga diiwangeliyay kiisaska ugu badan ee cudur sidaha corona ayaa haatan wajahaya mowjadda labaad ee fayraskan.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay wasaaradda caafimaadka ee wadankaas ay diiwaangelisay 332,730 ah xaaladaha cusub ee Coronavirus.
Tiradan ayaa ah midii ugu badneyd ee hal maalin gudaheed laga xaqiijiyo wadan ka mid ah caalamka.
Tirada guud ee kiisaska cudurka COVID-19 ee India ayaa hadda ah 16.3 milyan.
Sidoo kale waxaa dhimashada gudaha wadankaas ku kordhay 2,263 tani oo tirada guud ee dhimashada ka dhalatay COVID-19 ee India ka dhigaysa in ka badan 187,000.