Jaamacadda Carabta oo hogaanka Soomaalida ugu baaqay inay xalka ka gaaraan khilaafka jira

0
582

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xoghaynta Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa Hoggaaamiyayaasha Soomaalida loogu baaqay inay muujiyaan Caaqilnimo sare iyo inay sii wadaan Wada-xaajoodyada Siyaasadda si loo taabageliyo Doorashooyinka.
Bayaanka waxaa lagu xusay in Xalka Keliya uu yahay Ikhtiyaarka ama Xulashada Wada-xaajoodyo Siyaasadeed, si Heshiis dhamaystiran looga gaaro Doorshooyinka soo socda oo dan u ah Ummadda Soomaaliyeed, Xoojinta Deganaanshaha Siyaasadeed iyo Amni iyo dhamaystirka dadaalada Dhaqaale iyo Horumarinta Bulsho ee Soomaaliya.
Bayaanka ka soo baxay Xoghaynta Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay inay si weyn ula socdaan Arrimaha Somalia, kana walaacsan yihiin dhacdooyinkii u dambeeyey iyo xalladaha cakiran ee haatan ka taagan Wada-xaajoodyadii u dhexeeya DFS, Maamul-gobaleedyada iyo dhinacyada kale ee Siyaasadeed ee ku aadanaa xaalladda Doorashooyinka.
Bayaanka waxaa lagu xusay in Ilo Mas’uuliyiin oo ka tirsan Xoghaynta Ururka Jamacadda Carabta ay xaqiijiyeen inay Ururka ka go’an tahay Taageeradda Soomaaliya iyo inay garaab istaagaan dadkooda dhamaan Heerarka Taageeradda ee Dhibaatooyinka xilligaan iyo Caqabadaha kala duwan ee soo wajahay Dib-u-dhiska Hay’addaha Dowladda, Dhiiri-gelinta Midnimada Qaranka iyo Horumarinta Degaaanshaha iyo Dib-u-soo-kabashada guud ahaan dalka Soomaaliya.
Ururka Jaamacadda Carabta kama uusan hadlin Muddo-kordhintii Baarlamaanku Sameeyay Madaxweynuhuna saxiixay iyo Go’aanadda ay QM, Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka ka qaateen Talaabadaas.