Aqalka sare oo u yeeray guddoomiyaha ismaamulka Kisumu

0
657

Barasaabka ismaamulka Kisumu Prof. Anyang Nyong’o ayaa lagu wadaa in uu maanta ka soo hormuuqdo guddiga aqalka sare ee dalka u qaabilsan arrimaha caafimaadka.
Waxaa laga doonaya in uu sharaxaad ka bixiyo qaabka dowlad deegaankaasi uu u adeegsaday lacagaha loo qoondeeyay la tacaalidda cudurka COVID-19.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in barasaabka Kisumu uu 20-kii bishaan hor tago guddiga caafimaadka ee senate-ka balse ma uusan soo xaadirin.
Guddiga aqalka sare ee caafimaadka ayaa sheegay in tallaabooyin sharciga waafaqsan uu ka qaadaya barasaabka hadii uu ku guul dareysto in uu maanta ka soo hormuuqdo si su’aalo loo weydiiyo.
Wararka ayaa intaa ku daraya in lagu ganaaxi doona lacag dhan 500,000 oo shilinka dalka hadii uusan kal-fadhigan soo xadirin.
Guddoomiyaha ayaa looga fadhiyaa inuu ka jawaabo su’aalaha hanti dhowrka ee la xariira lunsashada lacagaha COVID-19.
Waxaa lagu amray in guddiga aqalka sare ee caafimaadka uu hor keeno dhammaan dokumentiyada looga baahan yahay si uu uga jawaabo eedeymaha loo soo jeediyey maamulkiisa ee ah lunsashada dhaqaalaha loogu tala galay caabuqa corona.