Guddiga JSC oo soo gabagabeeyay turxaan bixin ku aaddan xilka madaxa cadaaladda

0
558

Guddiga adeegga waaxda garsoorka ee dalka ayaa maanta soo gabagabeeyay turxaan bixin soo billaabatay 12-kii bishan oo su’aalo lagu weydiinayay shakhsiyaad doonaya in ay buuxiyaan xilka madaxa cadaaladda ee Kenya.
Waxaa ugu dambeysay oo maanta xubnaha guddigan ka soo hormuuqatay Alice Jepkoech Yano oo ka mid ah qareenada dalka.
Waa maalinkii tobnaad ee turxaan bixinta waxaana horay JSC uga soo hormuuqday 9 qof oo kale.
Ms. Yano ayaa sanadkii 1968-dii ku dhalatay ismaamulka Elgeyo Marakwet ee gobolka Rift Valley waxayna leedahay 25 sano oo khibrad dhanka sharciga ah.
Qareenada iyo garsoorayaasha kale ee doonaya in ay beddelaan David Maraga oo howlgab noqday bishii koowaad ee sanadkan ayaa kala ah Chitembwe Juma, Prof. Patricia Kameri Mbote, Martha Koome, Marete Njagi, Philip Murgor, Nduma Mathews Nderi, Fred Ngatia, Ouko William Okello iyo Wekesa Moni.
Qofka noqonaya madaxa cadaaladda dalka ayaa sida uu dhigaya dastuurka Kenya waxaa looga baahan yahay inuu leeyahay ugu yaraan 15 sano oo khibrad la xiriirta sharciga.