Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in sababta keentay in dowladda dhexe aynan ismaamullada xilliga habboon ku wareejin miisaaniyadda loo qoondeeyay ay tahay in la bixinayay deymo wadanka lagu leeyahay gaar ahaan Eurobond.
Xilli uu mashaariic horumarineed xariga uga jarayay ismaamullada Murang’a iyo Nyeri ee gobolka Bartamaha dalka ayuu arrinkan shaaca ka qaaday.
Tani ayaa timid ka dib markii barasaabka ismaamulka Murang’a Irungu Kang’ata uu sheegay in bixinta adeegyada ay u hayaan bulshada iyo mashaariicda ay ismaamullada ka fulinayaan ay ku xiran yihiin dhaqaalaha ay ka helaan dowladda dhexe kaasi oo muddo labo bilood ah aynan helin.
Hasa ahaate madaxweynaha dalka William Ruto oo ka jawaabayay sababta keentay dib u dhacan ayaa yidhi.