Magacyada 7 qof oo doonaya in ay buuxiyaan xilka diiwaangeliyaha garsoorka oo la shaaciyay

0
166

Guddoomiyaha guddiga adeegga garsoorka ee (JSC) ahna madaxa waaxda cadaaladda ee dalka Martha Koome ayaa shaaca ka qaadday magacyada toddobo qof oo loollan ugu jiro xilka madaxa waaxda diiwaangelinta ee garsoorka dalka.
Shakhsiyaadkan ayaa laga soo dhex xushay 43 codsiyo soo gudbiyay.
Qoraalka Koome waxaa ku cad in codsiyada lagu sameeyay qiimeyn ku saabsan sida qof kasta uu ugu qalmo qabashada xilka madaxa diiwaangelinta waaxda cadaaladda ee wadanka iyadoo lagu saleynaya xeerarka iyo shuruudaha dastuuriga ah.
Toddobada qof ee magacyadooda la shaaciyay ayaa kala ah Rose Macharia Wachuka, Jack Ouma Busalile Mwimali, Anne Wambeti Ireri, Paul Ndemo Maina, Caroline Kendagor Jepyegen iyo Kennedy Kandet Lenkamai.
Waxaa uu qorshuhu yahay in shakhsiyaadkan la turxaan bixiyo 18-ka bisha Saddexaad ee sanadkan inta u dhexeysa 8-da subaxnimo ilaa 4:30 galabnimo.
Dadweynaha ayaa intaasi ka hor laga codsaday inay soo gudbiyaan warbixinnada ay hayaan ee ku aaddan shakhsiyaadka doonaya in ay beddelaan Anne Amadi oo jagadan haysay muddo 10 sano ah.
Waxaa ay xilka si ku meel gaar ah ugu wareejisay ku xigeenkeedii Paul Ndemo.
Garsoore Martha Koome ayaa Anne Amadi ku tilmaantay inay muujisay hoggaan wanaagsan oo isbeddel saameyn leh horseeday.