Howlgalo shabaab ka dhan ah oo Shabeelada Hoose laga fuliyay

0
390

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaay Howlgalo aminga lagu xaqiijinayay ka sameeyeen degaano hoostaga Magaalada ee Xarunta Shabeelada hoose.
Howlgalka ayaa waxaa hoggaminayay Guddoomiye kuxigeenka Magaalada Marka ahna Taliyaha Nabadsugida degmadaas Maxamed Sheekh Xasan, waxaana laga sameeyay degaannada, Gaarilow, Farange iyo Shufeyari ee duleedka Magaalada Marka.
Taliyaha Nabadsugida degmada Marka Maxamed Sheekh Xasan ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii looga hortegi lahaa weerarada Al-Shabaab iyo dhibaatooyinka ay dadka ku hayaan, wallow uusan shaacin dad ay ku qabteen howlgalka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Ciidamada Ammaanka ee Magaalada Marka ay howlgalka sii wadi doonaan ilaa degaannada hoostaga Magaaladaasi laga saarayo Ururka Al-Shabaab oo uu sheegay inay ka feejigan yihiin weerarada ay geystaan.
Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa mararka qaar saldhigyada Ciidamada dowladda weeraro kusoo qaada Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ku sugan degaannada Xeebta ah ee Magaalada Marka.