Dowladda oo laga codsaday in ay dib u eegis ku sameyso xilliga uu billowdo bandowga habeenkii

0
700

Golaha qaran ee hay’adaha aan dowliga ahayn ayaa maamulka talada haya ee Jubilee u soo jeediyay in uu wax ka beddelo xilliga uu billowdo bandowga habeenkii gaar ahaan 5 ka mid ah ismaamullada dalka.
8-da fiidnimo ayuu bandowga habeenkii ka jiro guud ahaan dalka ee lagu xakameynaya faafidda caabuqa corona ka billowdaa dowlad deegaanada kala ah Nairobi, Machakos, Kiambu, Kajiado iyo Nakuru oo ay ku badan yihiin xaaladaha cudurka COVID-19.
Golaha ay ku mideysan yihiin hay’adaha loo yaqaano NGOs-yada ayaa doonaya in dowladdu ay hal saac dib u dhigto xilliga uu bandowga billowdo oo waqtiga kama dambeyska ah uu noqdo 9-ka fiidnimo.
Guddoomiyaha golahan, Stephen K. Cheboi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Kenyaan badan ay ku adagtay in ay guriyahooda ku sugnaadaan ka hor 8-da fiidnimo marka la eego sida ay nolosha ula daala-dhacayaan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhacdo maalmo ka hor laga soo tabiyay wadada weyn ee Thika oo baabuur badan ay saacado halkaasi ku xannibnaayeen aynan ahayn mid lagu farxo.
Golaha ayaa xusay in loo baahan yahay in xiriir wanaagsan uu ka dhexeyo shacabka iyo ciidamada ammaanka si loo sii wado wacyigelinta ku aaddan halista cudurka iyo muhiimadda ay leedahay in si buuxda loogu hoggaansamo xeerarka lagula dagaallamaya COVID-19.