Midowga Africa oo Maanta ka shiraya Xaaladda Soomaaliya

0
505

Maanta oo Khamiis ayaa waxaa lagu wadaa in Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ay shir xasaasi ah ka yeeshaan arrimaha Soomaaliya, maadaama weli doorashada Soomaaliya ay ka taagan tahay khilaaf xoogan.
Midowga Afrika ayaa qaadan doonaa door hoggaamineed oo ku saabsan xal u helida xaalada cakiran ee siyaasadeed Soomaaliya, waxaana shirkan uu daba socdaa kadib markii Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ay ku dalbadeen in Arrimaha Soomaaliya loo daayo Midowga Afrika.
Xubnaha Midowga Afrika ayaa waxaa la filayaa inay shirkooda kusoo magacaabaan Ergey cusub oo dhex dhexaadiya saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya, si xal looga gaaro khilafka xoogan ee weli ka taagan doorashada.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa malmo ka hor waxaa uu booqasho ku tegay dalka Koongo, isagoo Madaxweynaha dalkaas sidoo kalena ah Guddoomiyaha Midowga Afrika kala hadlay inuu dhex-dhexaadiyo hoggamiyeyaasha Soomaalida ee uu ismariwaagu ka dhex jiro.
Beesha Caalamka ayaa dadaal xoogan waxaay gelineysaa in xal laga gaaro xaalada cakiran ee ka taagan Soomaaliya, taasoo sii xoogeysatay kadib markii 12-kii Bishaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ay muddo kordhin u sameeyeen Hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.