
Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay diiwaangelisay 314,835oo ah xaaladaha cusub ee caabuqa corona.
Tiradan ayaa ah midii ugu badneyd ee hal maalin gudaheed laga xaqiijiyo wadan ka mid ah caalamka.
Tirada guud ee kiisaska cudurka COVID-19 ee India ayaa hadda ah 15.93 milyan.
Sidoo kale waxaa dhimashada gudaha wadankaas ku kordhay 2,104 tani oo tirada guud ee dhimashada ka dhigtay 184,657 sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee dalkaas.