Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay inuu qorshuhu yahay in 10-ka bisha shanaad ee sanadkan lagu dhawaaaqo natiijada imtixaanka fasalka afaraad ee dugsiyada sare (KCSE) ee sanadkii 2020-ka.
Arrinkan ayuu ka hadlay shalay xilli la soo gabagabeeyay imtixaanka.
Wasiir Magoha ayaa sheegay in boqolkiiba 99.9 lagu guulaystay maareynta imtixaanka qaran ee shahaaddiga ah.
Waxaa uu intaa ku daray in ay jireen dhacdooyin kooban oo qaar ka mid ah macallimiinta ay isku dayeen in ay dusiyaan warqadaha imtixaanka balse laga hor tagay
Prof. Magoha ayaa bogaadiyay 752,891 oo ah ardayda sameeyay imtixaanka KCSE-da .
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in 27 ka mid ah saraakiisha waxbarashada shaqo joojin lagu sameeyay ka dib markii lagu eedeyay in aynan ilaalin xeerarka maaraynta imtixaannada qaran.
Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay 37 qof oo ay ka mid yihiin arday dhigta jaamacadaha dalka oo qayb ka noqday iskudayga qishka.
Wasiirka tacliinta waxaa uu warbaahinta u sheegay in intii ay imtixaannada socdeen ardayda laga qaaday 53 ah taleefoonada gacanta sidaas awgeedna hadda baaritaano lagu hayo .