Hoobiyeyaal lala beegsaday agagaarka madaxtooyada Soomaaliya iyo xaafado ku dhaw dhaw

0
567

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabadda oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ay ku soo dhaceen Hoobiyeyaal.
Warar hordhaca ah ee laga helaayo deegaanadaasi ayaa sheegaya in Hoobiye ka mid ah Hoobiyaasha degmooyinkaasi kusoo dhacay uu ku dhacay guri aay dad shacab ah degan yihiin, islamarahaantaana uu jiro khasaaro ka dhashay Hoobiyaha ku dhacay guriga.
Waxaa sidoo kale wararku intaasi ku darayaan in Hoobiyaasha qaar kood aay ku dhaceen meel u dhaw Madaxtooyada soomaaliya iyo godka Jilacow.
Dhanka kale dad deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inillaa shan hoobiye ay ku dhaceen xarunta madaxtooyada iyo xaafado ku dhaw dhaw..
Mid kamid ah hobiyayaasha ayaa ku dhacay gudaha xarunta madaxtooya iyadoo mid kalena ku dhacay darbiga dambe ee madaxtooyada, lamana soo sheegin khasaare ka dhashay.
Hoobiyayaasha kale ayaa ku dhacay xaafado ku dhawdhaw madaxtooyada, iyana lama oga khasaaraha ay geysteen.
llaa hadda ma jirto cid sheegatay weerarka hoobiyayaasha ee maanta Muqdisho ka dhacay.