Dabley hubeysan oo arday ka af -duubtay jaamacad ku taala dalka Nigeria

0
615

Dabley hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday jaamacad si gaar ah loo leeyahay oo ku taala gobolka Kaduna ee dalka Nigeria.
Raggan hubeysan ayaa afduubtay qaar ka mid ah ardayda jaamacada.
Samuel Aruwan, oo ah madaxa amniga iyo arrimaha gudaha ee gobolka Kaduna ayaa xaqiijiyay weerarka.
Jaamacada oo lagu magacaabo Green Field ayaa la aasaasay saddex sano ka hor waana midii ugu horresay ee si gaar ah loo leeyahay lagana hir geliyo gobolkaas.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dableyda ay gudaha u galeen jaamacadda xaley isla markaana ay rasaas ku fureen ardayda.
Muddooyinkii ugu danbeeyay gobolka Kaduna ayaa waxaa ka jiray xaalad amni xumo iyo weeraro ka dhan ah goobaha waxbarashada.
11-kii bishii saddexaad ayaa koox hubeysan afduubatay 39 arday oo dhiganayay machadka Federal College of Forestry Mechanization Afaka ee degmada Igabi.
Tan iyo xilligaas waxaa la soo daayay 10 arday halka dhamaan ardaydii kale weli la la’a yahay.