Maxkamadda Dajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Maamulka Puntland ayaa maalintii labada la horkeenay Shabakad la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab, oo dilal qorsheysan ka fuliyay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Eedeysanayaasha oo gaaraya ilaa 8 Ruux ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Puntland waxay Magacyadooda ku kala sheegtay, Feysal Axmed Bashiir, Sahal Cabdullaahi Jaamac, Idiris Maxamed Afyare, Salman Maxamuud saleemaan, Jaamac Muruudi, Xuseen Maxamed, Maxamed Cabdi Raage Indhabuur, Cabdirisaaq Axmed Buraale iyo Maxamed Cumar Muudey.
Xeer ilaalinta Maxkamadda waxay Ragaan ku eedeysay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, sidoo kalena ay dhamaantood ka dambeeyeen dilal mas’uuliyiin iyo askar loogu geystay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.
Guddoomiyaha Maxkamadda Dajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Maamyulka Puntland Gaashaanle Sare Cabdullaahi Cabdi Shire ayaa sheegay in dhamaan raggaan Maxkamadda ku riday xukun dil toogasho ah, Maadaama loo heysto dilal ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo laga soo bilaabo sanadkii 2008-dii.