Kiisaska rabshadaha ku salaysan jinsiga oo ku batay dalka

0
608

Wasiiradda adeegga dadweynaha iyo jinsiga Prof. Margaret Kobia ayaa walaac xooggan ka muujisay sare u kaca kiisaska la xiriira rabshadaha ku salaysan jinsiga tan iyo markii uu dalka ka dilaacay cudurka COVID-19.
Sida laga soo xigtay wasiiradda, intii u dhaxaysay bilihii koowaad iyo saddexaad ee sanadkan waxay wasaaradda diiwaan gelisay 877 kiis oo ku saabsan rabshadaha dhanka tacaddiga jinsiyadeed.
Meelaha ugu badan ee laga diiwaan geliyay dhacdooyinkan ayaa waxaa ka mid ah ismaamullada Nairobi, Kakamega, Kisumu, Nakuru iyo Kiambu.
Xogta wasaaradda ayaa tilmaamaysa in sannadkii 2020-kii kiisaskan ay ahaayeen 5,009 kuwaas oo si weyn uga badan sannadihii hore.
Mrs. Kobia ayaa dadweynaha ugu baaqday inay la shaqeyaan dowladda si loo cirib tiro dhibaatooyinkan.
Barasabka ismaamulka Kitui Charity Ngilu ayaa dhankeeda cambaareysay dilal loo gaystay dhowr haween ah guud ahaan dalka.