Waxaa lagu soo warramaya in weerar laga gaystay degmada Baragoi ee ismaamulka Samburu uu hal qof oo rasaas loo adeegsaday uu ku dhintay.
3 kale oo falkaasi ku dhaawacmay ayaa hadda lagu dabiibaya isbitaalka Samburu.
Dadweynaha ayaa dowladda ugu baaqay inay amniga Baragoi adkeyso iyadoo bulshooyinka xoolo dhaqatada ah laga codsaday inay si nabad ah ku wada noolaadaan.
Qaar ka mid ah dadka dhaawacyada soo gaaray ayaa warbaahinta ugu warramay dhacdadan.
Barasaabka ismaamulka Samburu Jonathan Lati Leleliit oo falkan cambareeyay ayaa sheegay in la soo afajri doono dhacdooyinka amni darro ee aagaasi ku soo la laabtay.