Waxaa ilaa iyo hadda dugsiyada sare ku biiriin arday dhan 300,000 oo sanadkii hore sameeyay imtixaanka fasalka sideedaad ee KCPE-da.
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegtay in boqolkiiba 86 ardayda ay ku biireen dugsiyada sare.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr.Belio Kipsang ayaa sheegay in wasaaradda tacliinta ay diyaarisay tallaabooyin lagu xaqiijinayo in ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol u gudbaan dugsiyada sare.