Madaxweynihii dalka Chad oo dagaal ku dhintay

0
652

Madaxweynaha dhawaan dib loo doortay ee dalka Chad Idriss Deby ayaa lagu soo warramaya inuu u dhintey dhaawacyo ka soo gaaray dagaal jiidda hore.
Waxaa sidatan maanta ka sheegay telefishinka qaranka ee dalkaasi afhayeen u hadlay ciidamada oo lagu magacaabo Azem Bermandoa Agouna.
Deby, “ayaa hadda neefsaday neeftii ugu dambeysay ee difaaca madax-banaanida dalka, isaga oo ku sugan jiidda hore ee dagaalka,” waxaa sidaas war-saxaafadeed laga aqriyey taleefishinka dowladda ka yiri afhayeenka ciidamada jeneraal Azem Bermandoa Agouna
Ciidamada Chad ayaa hadda la dagaalamaya xoogaga kacdoonka ee weerarka ku qaaday caasimada N’Djamena.
Deby ayaa shalay sheegay inuu tegayo jiidda hore ee dagaalka, si uu ugu biiro ciidamada la dagaalamaya argagixisada, waxaana lagu dhaawacay booqashadaas.
Madaxweyne Deby ayaa la filayay inuu ku guuleysto markiisii lixaad xafiiska ka dib doorashadii dhacday 11-kii bishaan.
Deby oo 68 sano jir ahaa ayaa xukunka ku yimid kacdoon dhacay 1990-kii, wuxuuna ahaa mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu muddada dheer Afrika.
Waxaa mar kale la shaaciyey inuu markii lixaad xilka madaxweynaha ku guuleystay, Isniintii shalay.