MD Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

0
497

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana uu muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo maalin kahor ku tegay Magaalada Kinshasa ee caasimadda Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Congo ayaa dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho.
Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa Magaalada Kinshasa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Congo Felix Tshisekedi ahna Madaxweynaha Midowga Afrika, iyagoona ka wada hadlay xoojinta xirirka ka dhexeeya labada dhinac.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay xasilinta dalka, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo xoojinta dimuqraadiyadda.
Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo Felix Tshisekedi oo ah Madaxweynaha Midowga Afrika ayaa Farmaajo uga mahad celiyey aqbalaadda casuumadda ay u fidiyeen.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Maxamad Cabdirisaaq Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Eng. Cabdirashiid Maxamad Axmad, Diblumaasiyiin iyo Lataliyeyaal ka tirsan Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya.