Laamaha ammaanka ee deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi ayaa gelinkii dambe ee shalay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ku xiray nin ajnabi ah oo looga shaki qaba inuu ku lug leeyahay dilka haweeney 20 sano jir ah oo meydkeeda laga helay guri la kireysto oo ku yaalla deegaanka Roysambu ee caasimadda dalka.
Eedeysanaha oo sitay baasaboorka wadanka Mozambique ayaa la qabtay xilli uu doonayay inuu dalka ka dhoofa.
Waxaa su’aalo lagu weydiiyay gagida JKIA ka hor inta aan loo sii gudbin saldhigga booliiska ee Kasarani.
Ilo wareedyo ayaa laga soo xigtay in eedeysanaha la xiray ka dib markii laga shakiyay.
Meydka haweeneyda oo loo aqoonsaday ayaa meelo badan oo jirkeeda la jarjaray oo uu ka mid yahay madaxa.
Waxaa loo ogaaday in gabadha la dilay ay ahayd ardayad wax ka baranaysay mid ka mid ah jaamacadaha sida gaarka ah loo leeyahay ee ku yaalla dalka, islamarkaana meydkeeda ay u aqoonsadeen xubnaha qoyskeeda oo ka soo jeeda deegaanka Athi River ee ismaamulka Machakos.
Home Wararka Kenya Nin lala xiriirinayo dilka haweeney meydkeeda laga helay Roysambu oo lagu qabtay...