Waaxda dacwad oogidda dalka ee (ODPP) ayaa amar ku bixisay in gacanta lagu soo dhigo nin ay muuqaal ka soo wada dhex muuqdeen haweeney la arkaya iyadoo aflagaado u gaysanaysa mid ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka Port Victoria ee ismaamulka Busia.
Haweeneydaasi ayaa lagu magacaabaa Vanessa Ogema.
Waaxda ayaa amartay in ninka haweeneydaasi wehelinaya ee muuqaalka ka soo dhex muuqday la aqoonsado ka dibna dacwad lagu soo oogo.
1-dii bishan ayay ahayd markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaalka Ogema iyo nin aan weli la aqoonsan oo aflagaadeynaya sarkaalad caafimaad.
8-dii bishan ayay ahayd markii Vanessa Ogema maxkamad la soo taagay waxayna iska fogeysay dacwad lagu soo oogay oo ku saabsanayd tacaddi afeed iyo mid jireed , inay qas abuurtay , inay agab burburisay sidoo kalena ay shaqaale caafimaad ugu hanjabtay inay waxyeelleyn doonto.
Waxaa lagu siidaayay damaanad dhan 200,000 oo shilin iyadoo uu qorshuhu yahay in maxkamadda ay kiiskeeda mar kale soo qaado 17-ka bishan koowaad.