DHAGEYSO:Dubat Cali Camey oo baaq ka soo saaray cudurro saameeyay xoolaha

0
187

Guddoomiyaha golaha suuqgeynta xoolaha nool ee dalka kana mid ah waxgaradka ismaamulka Garissa Dubat Cali Camey ayaa ka hadlay cudurro saameeyay geela iyo ariga dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu barasaabyada ismaamullada gobolka Waqooyi Bari ee Garissa, Wajeer iyo Mandera ku boorriyay in ay kaashadaan wasaaradda beeraha iyo xoolaha ee dowladda sare iyo hay’adaha si geela looga daaweeyo xanuuno ku dhacay oo ay cabasho ka muujinayaan xoolo dhaqatada.
Sidoo kale waxaa uu codsaday in la daaweeyo ariga lagu dhaqdo deegaanka Ijara ee ismaamulka Garissa.