Maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Kisumu ayaa soo saartay amar lagu hor istaagaya in xafiiska uu la wareego agaasimaha cusub ee warshadda sokorta ee Chemelil ,Moses Kiprop.
Tani ayaa timid ka dib markii uu maxkamadda dacwad u gudbiyay qof beeraleey ah oo ka soo horjeedo magacaabidii mas’uulkan.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda beeraha iyo xannaanada xoolaha ee dalka Mithika Linturi uu Mr.Kiprop u magacaabay agaasimaha guud ee warshadda sokorta soo saarta ee Chemelil.
Hasa ahaate waxaa dacwad tallaabadaasi ka dhan ah maxkamadda geeyay Michael Sidigu.
Qareenka maxkamadda ,Stephen Radido ayuu u sheegay inuu cuskanaya sababo ay ka mid tahay in magacaabidda Kiprop aan loo marin habraaca dastuuriga ah.
Sidigu ayaa sheegay in magacaabidda ay baal marsan tahay xeerarka shaqaaleysiinta ,nidaamyada howlgelinta ee warshadda Chemelil oo qeexaya in qofka noqonaya agaasimaha guud ay tahay in da’diisu ay ka hooseyso 56 sano.
Moses Kiprop ayaa hadda 58 sano jir ah.
Garsoore Radido ayaa amray in dacwaddan la dhageysto 23-ka bishan Jannaayo.
Waxaa xilka agaasimaha guud ee warshadda sokorta ee Chemelil si ku meel gaar ah u sii haysay Jacqueline Kotonya oo lagu waday inay ku wareejiso Kiprop.
Shakhsiyaadka la doonaya inay kiiskan ka soo jawaabaan ayaa kala ah xeer ilaaliyaha guud ee dalka Justin Muturi, wasiirka beeraha Mithika Linturi, guddiga adeegga dadweynaha ee PSC iyo guddoomiyaha guddiga maamulo warshadda Chemelil.