Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay barta X waxaa uu ku sheegay in ay ka go’an tahay cirib tirka musuqmaasuqa la xiriira bixinta adeegyada cadaaladda ee wadanka.
Hoggaamiyaha dalka oo qiray in ay waaxda garsoorka ee dalka ka mid yihiin howlwadeeno wanaagsan ayaa dhanka kale tilmaamay in aan wax lacag ah lagu bixin doonin in la laaluusho kuwa musuqmaasuqa sameeya.
Waxaa uu qoraalkiisa ku xusay in maamulkiisa uunan marnaba laaluushi doonin xaakinnada si aan loo carqaladeyn horumarka dalka.
Madaxweyne William Ruto ayaa ka jawaabayay soo jeedin uga timid mid ka mid ah qareennada dalka oo ahayd inuu laaluush ku qanciyo xaakinnada musuqmaasuqa ku howlan oo uunan dafirin amarrada maxkamadda sidii maamulkii hore in kastoo uunan eedeyntaasi caddeyn.