Guddiga JSC oo sii wadaya turxaan bixinta shakhsiyaad doonaya xilka madaxa cadaaladda

0
350

Guddiga adeegga waaxda garsoorka ee dalka ayaa lagu wadaa inuu turxaan bixiyo 5 qof oo ka mid ah 10 shakhsi oo doonaya in ay buuxiyaan xilkii uu baneeyay madaxii cadaaladda ee Kenya David Maraga.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii xubnaha guddigan ay su’aalo weydiiyeen 5 isugu jiray qareeno iyo garsoorayaal soo codsaday jagadan.
Waxaa maanta guddiga JSC hor tagi doono garsoore Nduma Nderi oo ka howlgalo maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha .
Mr. Nderi oo dhashay sanadkii 1962-dii ayaa ku biiray maxkamadda uu hadda ka shaqeeyo 2012-kii.
Waxaa uu haystaa shahaadada Master ee culuunta sharciga oo uu ka qaatay jaamacadda Stellenbosch ee Koonfur Afrika halka uu leeyahay khibrad shaqo oo ah 31 sano.
Sidoo kale guddiga ayaa turxaan bixin doono qareennada iyo garsoorayaasha kala ah Fred Ngatia, William Ouko, Prof. Wekesa Moni iyo Alice Yano.
Fred Ngatia oo ka mid ah qareenada caanka ah ee Nairobi ayaa berri ka jawaabi doono su’aalaha guddiga JSC.
Maalinka Arbacada waxaa uu qorshuhu yahay in la turxaan bixiyo madaxa maxkamadda racfaanka ee dalka William Ouko, Khamiista waa Prof. Wekesa Moni halka Jimcada oo ah maalinka ugu dambeysay ee turxaan bixinta la wareysan doono Alice Yano oo ka mid ah qareenada dalka.
Madaxii cadaaladda ee dalka David Maraga ayaa howlgab noqday 12-kii bishii koowaad ee sanadkan waxaana tan iyo xilligaasi jiray geeddisocodka ku aaddan mas’uulkii beddeli lahaa.